User login



Shout Box

Anas Jama:

cidna ma joogto

Amran:

wcw

huska:

asc

huska:

yaa ku jira

muno:

do you have this in English???

Login or register to post shouts
All Shouts

Faa'iidada Nuujinta Ilmaha Yar !

Asalaamu calaykum waraxmatulaahi watacalaa wabarakaatu.

Walaalayaal salaanta islaamka ka dib, illahay S.W.T.ayey u sugnaatay amaan iyo mahad naq aad u sareeya walaalayaal maanta waxaynu iinsha Allaah baran doonaa faa?iidada ay leedahay nuujinta ilmuhu.

Nuujintu waa sida ugu fiican, habka ugu kobcinta wanaagsan ee ilmaha
hada dhashay loogu koriyo, waa shey khaas ah oo aad ilmahaaga iyo
adigaba aad isu sameyn kartaan, nuujintu aad iyo aad ayey ugu fiicantahay ilmahaaga.

Faa?iidooyinka nuujintu ay u leedahay ilmaha yar.

Caanaha naaska waxa ku jira wax kasta oo uu ilmahaagu u baahanyahay si uu u koro una noqdo mid cafimaad qaba. Caanaha naasa waxay ilmaha yar ka difacaan infakshanka dhagaha gala, hargabka, xasaasiyada (alerjiga), shubanka, saxarada oo ku dhagta ilmaha yar iyo waxyaabo aad u badan oo ah xanuuno.

Caanaha naasku waxay ilmaha yar ka caawiyaan araga indhaha iyo koritaanka maskaxda.

Ilmaha yare e naaska la nuujo uma badna in uu ku dhaco maacaanku ( sonkorowgu) ama ay aad u buurtaan(naaxaan) marka ay waynaadaan. Nuujintu aad ayey u fiicnaysiisaa is jacaylka hooyada iyo ilmaha yar. Faa?iidooyinka ay u leedahay nuujintu hooyooyinka.

Nuujintu waxay kaa caawinaysaa in aad miisaankaaga hoos u dhigtid Nuujintu waxay hoos u dhigtaa khatarta kugu dhici karta ee cancerka naasaha, iyo ugxan sidaha (ovarian cancer), Cudur lafuhu ay awood yareeyaan si sahlanna ay u jabaan (osteoporosis), macaan iyo cudurada lafaha. Dumarku waxay ka helaan ama ay ku raaxaystaan nuujinta hoormoono uu jidhkaagu sameeyo marka ay nuujinayso ayey caawinaysa in ay istareexdo dareentana naxariis iyo kalgacayl ilmaha xagiisa ah. Waa inaad cunto, cuntooyin nafaqo leh oo uu ilmahaagu ka heli karo cafimaad iyo nafaqo. Hooyooyinka waxa ay dhakhtaradu kula taliyaan in ay nuujiyaan ilmahooda ilaa lix bilood iyo intii ka badan waana ay u wanaagsantahay ilmaha yar laakin hooyada ayey jirtaa inta ay nuujinayso.

Wabilaahi Tawfiiq

Submitted by Ahmed on Fri, 07/24/2009 - 14:01