User login



Shout Box

Anas Jama:

cidna ma joogto

Amran:

wcw

huska:

asc

huska:

yaa ku jira

muno:

do you have this in English???

Login or register to post shouts
All Shouts

OLOLAHA KA HORTAGA AFLAANTA & HEESAHA BISHA RAMADAAN

قال تعالى : {وَمِنَ النَّاسِ مَن يَشْتَرِي لَهْوَ الْحَدِيثِ لِيُضِلَّ عَن سَبِيلِ اللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَيَتَّخِذَهَا هُزُواً أُولَئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مُّهِينٌ} [لقمان:6].
Allah wuxuu yiri : ( DADKA WAXAA KAMID AH KUWO GATA HADAL WAX SHUQLIYA SI UU UGA DHUMIYO (DADKA) JIDKA ALLAH IYAGOO AAN WAX OGEYN, JIDKA ALLAH KU JEES JEESA KUWAAS WAXEY MUDAN CADAAB DULEEYA ) Luqmaan 6
Bisha Ramadaan shayaadiinta waala xir xiraa waxaa la furaa albaabada janada ,waxaana la xeraa albaabada naarta , Allah wuxuu xureeyaa adoomankiisa , qalbiga waxaa ku shubmaa Quraan oo aayadahana ku xasilo

.Midka kheyrka doonayoow soo dhawaaw ....midka sharta doonayoow gaabi
Albaabka kheyrka ee uu Allah kuu doortay oo adiga kaa doortay kuwa kale
meeqa qof oo nala joogeen Ramadaankii hore oo hada kamid noqday kuwo dhintay
waa waqtiga u gaarka ah kuwa suuban ee Allah ka dhoorsaday , kuwa shayaadiinta isiga iyo jiniga oo gaboodfalka sameeyay ee la xer xeray waxaa meeshoodii la wareegay kuwo Allah yaqaana oo habeen iyo maalin asiga caabuda.

isla ilaali waa digniin walaalkeyga aan jeclahay inaad waqtigaadi ku dhumisid macsiya, haddii Ramadaanka dhamaado waxaa xun adigoo gacmo maran oo wax keyd kuu yaalin, markaa waxaa kuu wanaagsanaan lahaa adigoo haaysato ajar badan , Quraan aqrin , Saqado aad siiyay kuwo gaajeysan , salaad aad habeenkii aad u istaagto , eheladaadi aad xiriiriso ..........waxaa qasaaray qofkii kheyrkaas oo dhan ka tagay

midka kheyrka doonayoow ka tag quranka , danaha kaliya laga doonaayo oo ah inaay iibiyaan jirkooda si aay u helaan lacago aay aduunyadoodi ku noolaadaam iyagoo diintoodi taas ku waaynaayo ..... walaal adiga haddii aad raacdo quraankaas waad qasaartay diin iyo aduunyaba , faaiido maleh wax gadaashiisa dembi ah .... Allah ayaan kugu dhaariyay walaalow majiraa qof diidaayo albaabka kheyrka ah ee loo furay , lagana xeray albaadada cadaabta oo aan ogeyn inuu daba ordaayo kuwo dano gaar ah leh oo haddii aay tooba keeni waayaan aay arki doonaan cawaaqib xumada aay la kulmi doonaan

walaal haddii aad bishaan ka dhigto qurbaan aad siineyso fanaaniinta ... waxaan ku leeyahay iska jir taas oo ka fogoow waxaa kama marna dumar qaawan , oo shalaay ka dambeyso ee nafsadaadi ku sabarsii kuwo Allah baryaaya habeen iyo maalin iyagoo doonaya wejigiisa .

walaal tani baaq dhab ahaan aan ugu talagalnay inaan isku baraarujino bishaan barakeysan gooyno aflaanta , heesaha habeen iyo maalinba .

قال النبي صلى الله عليه وسلم: ?من لم يدع قول الزور والعمل به والجهل فليس لله حاجة أن يدع طعامه وشرابه? [رواه البخاري].
Nebiga SCW wuxuu yiri :( qofkii aan ka tegin marqaatiga beenta ah iyo ku camalfalkiisa iyo jahilnimada Allah ugama baahna inuu katago cuntadiisa iyo cabitaankiisa ) waxaa wariyay Al-bukhaari
fatwa uu soo saaray Alsheikh Ibnu Baazi oo ku saabsan daawashada daawashada filimada iyo musalsalaadka , Turubka bisha Ramadaanka?

j- dadka sooman iyo kuwa kale ee Muslimiinta ah waxaa ku waajid ah inaay Allah uga baqaan waxa aay la imaanayaan dhamaan waqtiyada , oo aay ka dhigtoonaadaan waxa Allah SWT xarimay oo Allah daawashada filimada xun xun oo lagu soo bandhigaayo waxa Allah xarimay oo ah sawiro qaawan iyo kuwo qaawan u eg ... waa sidoo kale waxa lagu soo bandhigo TV-ga oo ah wax qilaafaya sharciga Allah , kuwaas oo ah sawiro , heeso iyo qalad kale oo ciyaar iyo baaqyada dhunsan , waxaa marka qofka sooman looga baahan yahay inuu waxaasi ka digtoonaado sida ciyaarta turubka oo keeneysa inuu qofka ka mushquulo salaada jamaacada , taas oo keento qalbiga oo adkaada iyo qofka oo ku dhaco waxyaalo badan oo laxarimay Allah SWT wuxuu yiri

: {وَمِنَ النَّاسِ مَن يَشْتَرِي لَهْوَ الْحَدِيثِ لِيُضِلَّ عَن سَبِيلِ اللَّهِ بِغَيْرِ عِلْمٍ وَيَتَّخِذَهَا هُزُواً أُولَئِكَ لَهُمْ عَذَابٌ مُّهِينٌ (6) وَإِذَا تُتْلَى عَلَيْهِ آيَاتُنَا وَلَّى مُسْتَكْبِراً كَأَن لَّمْ يَسْمَعْهَا كَأَنَّ فِي أُذُنَيْهِ وَقْراً فَبَشِّرْهُ بِعَذَابٍ أَلِيمٍ} [لقمان:6-7 ],
( DADKA WAXAA KAMID AH KUWO GATA HADAL WAX SHUQLIYA SI UU UGA DHUMIYO (DADKA) JIDKA ALLAH IYAGOO AAN WAX OGEYN, JIDKA ALLAH KU JEES JEESA KUWAAS WAXEY MUDAN CADAAB DULEEYA ) Luqmaan 6
Allah wuxuu yiri
{وَالَّذِينَ لَا يَشْهَدُونَ الزُّورَ وَإِذَا مَرُّوا بِاللَّغْوِ مَرُّوا كِرَاماً} [الفرقان:72].
(KUWA FIICAN) WAA KUWA AAN FAREYNIN BEENTA , MARKII AAY MAQLAAN HADAL XUN MARA IYAGOO WANAAGSAN (KA JEESTA)
الزور - ALZUUR waxay koobeysaa dhamaan noocyada xumaanta
ويقول النبي صلى الله عليه وسلم: ?ليكونن من أمتي أقوام يستحلون الحر والحرير والخمر والمعازف? [رواه البخاري
Nabiga SCW wuxuu yiri :( umadeydi waxaa kamid noqon doona kuwo baneysta zinada , xariirta , qamrada iyo heesaha)
المعازف? heesaha iyo qalabka muzikada ee lagu ciyaaro
waxaan rajeyneynaa in baaqaan uu noqdo mid aay wada ogolaadaan aqristayaasha
Allah hanaga aqbalo acmaasheyni suuban , Ramadaan kariim

Qore: ABU AHMED

Submitted by Fatimah on Wed, 07/22/2009 - 18:08