User login



Shout Box

Anas Jama:

cidna ma joogto

Amran:

wcw

huska:

asc

huska:

yaa ku jira

muno:

do you have this in English???

Login or register to post shouts
All Shouts

qiso dhab ah

Saclabata ibnu cabdirahman waxaa uu ahaa nin nabiga aad u jecel una shaqeeya . waxaanu aad u dhegaysan jiray xadiiska rasuulka iyo quraanka uu akhriyayo.?Maalin ka mid ah maalmaha ayaa rasuulku scw u dirtay hawl waxaanu u bixitimay si uu u soo fuliyo amarka rasuulka.?Intii uu jidka sii socday ayuu arkay guri albaabkiisa ay fadhido gabadh gurigana waxaa lahaa nin ansaari ah oo saxaabada ka mid ah waxaa uu sii eegay gabadhii .?Laakiin isla markiiba waxaa ku soo booday naxdin maadaama uu aad u fiiriyey gabadh aan u banaanayn in uu eego. Waxaanu ka cabsaday in malaku jibriil ku soo dejiyo rasuulka aayado kuwaas oo lagu sheegayo ficilka xun ee uu ku kacay .kumana uu soo noqon rasuulka ee waxaa uu u firdhaday buuraha madiina u dhawaa si uu ula dhuunto khiyaamada uu sameeyey.!!!!?Waxaa uu ku sii negaaday buuraha dhexdooda isagoon aan ka daalin in uu cibaadaysto waxaanu sujuudsanaa buuraha dhexdooda isagoo rabi ka baryaaya in uu toobada ka aqbalo.?Habeenkii ma seexan jirin maalintiina ma fadhiisan jirin isagoo ooyaya oo leh raboow toobada ,raboow toobada iga aqbal.!!?Markii uu maqnaa mudo ka badan 40 casho ayaa malaku JIBRIIL cs u yimi rasuulka oo waxaa uu ku yidhi:?Nabi allow alle wuxuu ku yidhi nin ka mid ah umadaada ayaa ka ooyaya buuraha dhexdooda waxaanu ka cabsanayaa ciqaabkayga.?Rasuulkeena ayaa diray laba ka mid ah saxaabadiisii oo kala ahaa CUMAR IBNU KHADAAB &SALMAAN AL FAARISI?Waxaanu amray in ay baadi goobaan ninkas soo kexeeyaan.?Cumar iyo salmaan ayaa u biyaystay sidii ay u soo heli lahaayeen saclaba cabdi raxmaan.waxay soo dhex mushaaxeen miyiga buuralayda ah iyagoo baadi doonaya saxaabigaas.?Waxaanay la kulmeen nin reer miyi ah oo ay yidhaaheen nin saclaba la yidhaaho oo dhalin yaro ah oo muslima ayaanu rabnaa ee waxba ma aragtay??Waxaa uu yidhi ninkii ma waxaad rabtaan ninka JAHANAMA KA CARARAYA??Cumar iyo salmaan ayaa aad ula yaabay jawaabta ninkan oo waxay ku yidhaaheen maxaad u leedahay ama ula jeedaa ninka jahanama ka cararay??Waxaa uu jawaabay ninkii reer miyi.?Marka ay habeenkii tahay ayuu ninkasi ka soo baxaa buuraha isagoo ooyaya oo rabi baryaya oo leh :alla naftayda maa laga dhex saaro nafaha bin aadamka jidhkaygana maa laga dhex saaro jidhka bin aadamiga oo aanan noqonba lahayn kuwa la xisaabo maalinta xisaabta.?Cumar baa yidhi waar ninkaas baanu rabnaa ee noo gee halka uu joogo??Way tageen waxaanay markii ay arkeen kelmado naxariis leh kula hadleen saclaba cabdirahmaan?Saclaba waxaa uu waydiiyey cumar cumaroow:rasuulku scw ma ogaaday denbigii aan galay??Cumar waxaa uu ugu jawaabay:walaal taas ma ogi anaga shaly uun buu rasuulku scw noo kaa soo diray.?Saclaba ayaa ku celiyey cumar:cumarow ha inoo gayn rasuulka isagoo salaada ku jira mooyaane.?Waxay soo gaadheen masaajidkii nabiga scw isagoo salaad ku jira ,markii uu dhamaystay rasuulku salaadii ayaa waxaa uu waydiiyey cumar iyo salmaan ma soo hesheen saclaba ??Cumar iyo salmaan ayaa yidhi:haa nabi allow waana kaas safkaas ku tukanaya.?Rasuulka ayaa kacay oo ag fadhiistay saclaba oo salaamay waxanu waydiiyey maxaad ku maqnayd saclaboow??Salcabe :waxaan ku maqnaa debigayga nabi allow!!?Nabiga ayaa yidhi ma kuu sheegaa duco hadii aad akhrido uu alle denbigaaga ku tirtirayo waxaad tidhaahaa?RABANAA AATINAA FI DUNYAA XASANA WAFIL AAKHIRATI XASAN WA QINAA CADAABA NAAR.!!?Saclaba ayaa yidhi nabi aloow danbigaygaa ka wayn ducadaaas.?Nabiga scw ayaa yidhi : maya ee aayadaa ayaa ka wayn?Waxaa uu yidhi nabigu gurigaaga tag saclaboow .?Saclabase ma caafimaadin weli waayo weli looguma bushaarayn in toobadii laga aqbalay.waxaanu sii watay cibaadadiisii isagoo ay u weheliso xanuun badan oo ku soo kordhay jidhkiisa.?Markii uu maqnaa todoba casho ayaa SALMAAN u yimi nebiga oo ku yidhi nabi allow ninkii saclabe waa bukaa xaalad khatar ah ayuu ku sugan yahay!?Nabiga ayaa ugu jawaabay ina kiciya aan soo eegnee?Waxaa soo siyaartay gurigiisii saxaabo badan oo nabiguna hor socdo markii ay galeen gurigiisii ayaa nabigu madaxa qabtay oo dhabta saaray madixiisii .?Laakiin saclaba ayaa ka qaaday madixiisii dhabtii nabiga !?Nabiga ayaa waydiiyey waxaa uu madaxa uga qaaday dhabtiisa??Saclabe waxaa uu ydihi madax qof danbiile ah ku yaala in nabiga la saaro ayaan ka xidhoonayaa.?Waayo denbi fale ayaan ahay!!?Nabiga ayaa waydiiyey :maxaad ka cabanaysaa ee xanuuna??Saclaba:denbigayga ayaan ka cabanayaa!!?Nabiga scw: maxaad u baahan tahay??Saclaba: denbi dhaafka alle swt ayaan u baahanahay!!?(intaa markay marayso ayaa jibriil u yimi nabiga oo ku yidhi :ilaahay swt wuxuu ku yidhi adoonkaygaasi hadii uu denbi falay waan u dhaafay denbigaas )?markii nabigu ugu bushaareeyey arinkaas saclaba ayaa saclabe kor u qayliyey farxad darteed ALAAHU AKUBAR)?laakiin farxadii bay naftiisiina raacday oo uu geeriyooday isla markaasba.?Waxaa aasay rasuulka iyo saxaabadii markii maydkiisa la qaaday ayaa nebigeenu ku socday faraha hore ee adimadiisa markaas baa saxaabadu ku yidhaaheen nabi allow maxaad sidan ugu soconaysaa ??Nabiga ayaa yidhi scw waxaan sidan ugu socdaa waxaan ka yaabay malaa igta maydkiisa sagootiyaysa badnaanteeda oo aan ka dhawray adimadayda.?Sidaas ayaa lagu aasay saclabe.?Bal ka warama walaal maanta iyo xaaladeena dunuubteena oo badan iyo inagoon muhiimad badan siinayn in aynu illaahay denbi dhaaf waydiisano.?Wuxuu odhan jiray rasuulkeenu scw illaahay maalintii todobaatan goor in ka badan baan denbi dhaaf waydiistaa.?Hada waa rasuulkii oo denbigiisaba la dhaafay inagana waxaa inala gudboon in aynu maalin oo dhan illaahay denbi dhaaf wadyiisano

Submitted by Fatimah on Wed, 07/22/2009 - 18:07