User loginShout BoxAnas Jama:
cidna ma joogto Amran:
wcw huska:
asc huska:
yaa ku jira muno:
do you have this in English??? |
Sedaxdii Ilmood ee yaraan ku hadlayAbuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Reer banii Israa'iil dhexdood" saddex qof keliyaa iyagoo (ilmo dhashay) ah hadlay. Mid wuxuu ahaa nebi Ciise (C.S.) mid kalena wuxuu ahaa Jureyj Saaxiibkiis. Jureyj wuxuu ahaa nin saalix ah oo Cibaado badan, Wuxuu dhistay mowlac yar si uu ugu go'o inuu cibaadeysto. Maalin isagoo salaad ku jira baa hooyadiis u timid oo u yeertay, markaasuu Alle qalbiga ka baryey oo hoos iskula hadlay: Rabbiyoow ma salaaddaan dhammeeyaa mise hooyaday baan uga baxaa (Rabbiyow i solansii sida roon), salaaddii buu doortay oo iska watay, hooyadiina iska tagtay. Maalintii seddexaad bay hooyadii u timid isagoo tukanaya oo tiri: Jureyj wuxuu iskula hadlay misna oo Alle ka baryey; Rabbiyoow ma salaaddaan wataa mise hooyaday baan uga baxaa, Salaaddii buu doortay oo iska watay, Jurayj iyo cibaadadiisa caan bay noqdeen iyo arrimaha ugu horeeya ay isla dhex maraan oo ay ka sheekeeyaan reer banii Israa'iil, Waxaana ka mid ahaa reer banii Israa'iil naag sharmuuto ah, oo quruxdeeda tusaale loo soo qaadan jirey, Waxay tiri: Haddii aad rabtaan anigaa fidmayn kara oo fadeexad u soo jiidi kara, Markaasay isku dayday inay soo jiidato si uu uga dhilleysto ha yeeshee Jurayj waa uu jalleeci waayey, danna uma gelin, Waxay u tagtay qawsaar mowlaca Jurayj ag degganaa, oo intay isu dhiibtay ka dhilleystay uur bayna yeelatay, Markii ay dhashay bay tiri: Jurayj baa dhalay, Reer banii Israa'iil waxay u tageen Jurayj, liideen, meeshii bay ka soo saareen, oo inta mowliciisii dumiyeen, garaaceen Jurayj baa wuxuu weydiiyey: Maxaad sidan iigu galeysaan? Waxay yiraahdeen naagtaan dhillada ah baad ka sinaysatay oo ilmo kuu dhashay, Wuxuu yiri: ilmihii meeya? waa u keeneen, Wuxuu yiri: Ii kaadsha aan tukadee, Markaa buu tukadey, markii uu dhameystay salaaddii, buu ilmihii inta u tagay oo ku fariisiyey dhabtiisii buu weydiiyey: Waa kuma aabbahaa? wiilkii wuxuu yiri: Waa hebel ina hebel, ee qowsaarka ah, Markaasay reer banii Israa'iil oo dhan u yimaadeen Jurayj, iyagoo dhundhunkanaya oo inuu ka raalli noqdo weydiisanaya oo ku yiraahdeen: Mowlacaagii oo dahab ah baan kuu dhisaynaa, Jurayj wuxuu yiri: Mayee dhoobadeedii iiga dhisa oo sideedii ah, waana u dhiseen. Arrinta saddexaad waxay aheyd ilmo hooyadiis nuugaya, Markaa baa waxaa soo ag maray nin fuushan faras dheereynaya oo bilic leh, ninkaa faraska watayna wuxuu labbisnaa dhar aad u qurxoon, Hooyadii baa baryootantay: Alloow wiilkayga iiga dhig sida ninkan, Wiilkii yaraa inta naaskii ka fuqay oo sidaas u fiiriyey ninkii buu yiri: Alloow ha iga dhigin sida ninkan, Dabadeedna naaskii buu isaga noqday oo iska nuugey. Halkan Nebigu (S.C.W.) tusaale buu ka bixiyey markii uu ilmaha nuugmadiisa ka sheekaynayey, oo inta fartiisa murugsatada ah afka geliyey muudsaday, Markaasuu hadalkii sii watay oo wuxuu yiri: Haddana waxaa soo maray dad badan iyo gabar addoonad ah, nimankuna waxay garaacayeen addoontaa iyagoo ku eedeynayey inay dhilleysatay waxna xadday, iyaduna jawaab ahaan laheyd: Xasbiyyallaah wanicmal wakiil "Allaa igu filan oo aan wakiishay", Hooyadii baa tiri: Alloow wiilkayga taasoo kale ha ka dhigin, Markaasuu wiilkii inta naaskii ka fuqay oo sidaas u fiiriyey gabadhii buu yiri: Alloow iga dhig iyadoo kale, Markaasay wada hadallo dhex mareen Hooyadii iyo wiilkii, Wiilkii baa wuxuu ku jawaabay ninkaasi wuxuu ahaa nin jajuubaa macangag ah, markaa baan kaa hor imid oo waxaan iri: Alloow kaa soo kale ha iga dhigin, Gabadhase ay leeyihiin way dhilleysatay, run ahaantii ma ayan dhilleysan, Waxay ku eedeeyeen inay wax xadday, laakiinse waxna ma ay xadin (oo waa gabar mu'minad ah) Sidaa awgeed baan waxaan iri: Alloow iga dhig iyadoo kale. (Bukhaari iyo Muslim) Fiiro gaar ah: Source: AFLAX ![]() |
Featured VideoMedia CoverageAdvertisement |











