User login



Shout Box

Anas Jama:

cidna ma joogto

Amran:

wcw

huska:

asc

huska:

yaa ku jira

muno:

do you have this in English???

Login or register to post shouts
All Shouts

Sidee ku noqon kartaa qof shaqsiyad wanaagsan?

Ma Ogtahay Shaqsiyahoow Inaadan Guul Gaarin Hadii Aadan Isku Aqoonsaneyn In aa tahay shaqsi ay dadku si aad aha u jecelyihiin?
Hadaba Hadii Aad Dooneysid Jidka Guusha Isku Day Inaad:

Noqoto Mid Naxariis Leh
Noqo Mid Daacad Ah
Noqo Mid Degan Oo Miisaan Leh
Noqo Mid Dulqaad Bdan
Noqo Mid Firfircoon
Noqo Mid Isku Kalsoon
Noqo Mid Deeqsi ah
Noqo Garsoore Daacad Ah

Muuji Waji Furfurnaan
Tixgeli Adanimada
Kuqaabil Qofka Waji Wanaagsan Xitaa Hadii Uu Ku Xumeeyo
Qaado cafinta (Iska Cafi) Maxaa Yeelay Waa Aaargoosiga Ugu Wanaagsan
Ogolooow In Lagaa saxsanyahay
Aqoonso Xadidka Aaad leedahay
Sii Dadka Waxa Aaad Jeceshahay Hasiinin Waxaad Necebtahay
Sii Ninkii Kuudiida

Hanoqon Shaqsi Hadal Badan
Hanoqon Shaqsi Hagaroow Ama Xaasid ah
Hanoqon Shaqsi Darajo Ku faana
Hanoqon Shaqsi Dhanka Xun Wax ka eega
Hanoqon Shaqsi Galad Sheegasho Badan
Hanoqon Shaqsi Kibir Badan Ama Islaweyni Badan

Haxaqirin Shaqsiyada Qofka
Haxaqirin Qofka Wanaagiisa
Hacaroonin Waayo Carada Sheydaanka Ayaa ku Shaqeysta
Hasameyn Marqaati Been Ah
Ha cadeysanin beenta
Ha Lagalin Faraha Wax Aan Kuqosey Hadii Kale Waxaad La kulmeysaa Dhibaato
Haku Canaananin Ama Wax Ha uga sheegin Xaaskaaga ama Seygaada ama Walaalkaaga dadka hortooda
Hadhihin Ama Hakala Hortagin Qofka Wuxuu Necebyahay (Hadal Ama Ficil )
Ha Ugu Yeerin Qofka Naaneys Uusan Raali Kahayn
Hayasin Dadka Ha Uliidin Waa Sabool
Hacanaanan Masaakiinta

Ilaali Balanta waayo Nimaan Balan Lahayn Waa Niman Diin Lehayn
Isku day Inaan Runta Sheegto Ama Xaq iiqda Ka Hadasho
Iska Cafi Qof ku Dulmya
Ilaali Amaanada Iska Hubi Wixii laguu Sheego

Xumaan Xumaan Haku Bedelin
Xiriiiiiri Ninkii Ku gooya
Xaq Dhowr Deriskaaga

Ulla hadal Dadka Si Wanaagsan oo Raxmad Leh Waayo Hadalka Wanaagsan Wuxuu ka Qeyr Badabyahay Sadaqada
Ula dhaqan Dadka Sida aad Jeceshahay In Lugula Dhaqmo
U caawi dadka Si aad Adugaba Ujeceshahay In Laguu Caawiyo Markaad Dhibaateysantahay

Waayo Intuba Waa Furaha Farxada Farxadana waa Jidka Gaaban Ee Ku Geynkara Qalbiga Qofka Kale

W/Q: Hodanlul

Submitted by Ahmed on Tue, 07/28/2009 - 13:50