User loginShout BoxAnas Jama:
cidna ma joogto Amran:
wcw huska:
asc huska:
yaa ku jira muno:
do you have this in English??? |
TAABASHADA QURAANKA & XUMBAARIDDIISAHaddii aan ka hadalno taabashada Quraanka kariimka ah iyo qaadidiisa, wixii aay ka qabaan madaahibta culuma?da. Madhabteena shaaficiyada ah waxay qabaan inuu xaraam yahay, waxaana la qaba Abu Xaniifa, Maalik, Axmad iyo culumada jumhuurtooda, sida uu noogu sheegay Imaam Nawawi kitaabkiisa al-majmuuc. Asxaabteyna waxay daliilsadeen ALLAH tabaaraka wa tacaalaa qoolkiisa: ( لايمسه الا المطهرون تنزيل من رب العالمين انه لقرآن كريم في كتاب مكنون ), macnaa ma taaban karaan illaa kuwa ka tahirooway janaanaabada (waxaa ku jira wixii qubeys waajibiya) iyo xadathka maahee iyo Allah tabaaraka wa tacaalaa sifeyntiisa uu ku sifeeyi tanziil waxaa cad in lola jeedo musxafka noo yaal, laguna xumbaari maayo geerkiis illa hadduu jiro daliil saxiix ah oo cad . Sidaas oo kale waxaa wariayay imam muslim, ibn cumar xaggiis, suubanaha (scws): wuu reebay in Quraanka lola safro dhulalka cadowga, cabsi laga qabo inuu gacanta u galo gaalada darteed. Culimadeena waaweynaa, wxaa kale ay daliishteen xadiisthka Imaam Maalik uu ku wariyay kitaabkiis Muwata-a, Cabdillaahi bin Abiibakar bin Muxammad bin Camr bin Xazm xaggiisa, in qoraalkii Suubnaha (scws) uu u qoray Camr bin Xazm, fiigiisa ahaa: , waana xadiith laga aqoonsan yahay ahlul cilmi agtooda, aqoon ka naa-ib noqoneesa isnaad, shuhradeeda darteed. Al-Xaakimna, kitaabkiisa Mustadrik wuxuu ku wariyay Cabdiraxmaan bin Zeyd xaggiis, wuxuu yiri: waxaan la jirnay Salmaan (radiyallaahu canhu), wuxuu tabay xaajo gudasho, wuu iskeen qariyay markaas wuu inoo soo baxay, mana ahaanin been keyna iyo beynkiisa wax biyo ah, wuxuu yiri raawiga, waxaan ku niri Abaa Cabdillaahi yoow, loo aad weeseensa laheyd, aan ku weydiin laheyn shey Quraanka ka mid ah, wuxuu yiri , wuxuu nagu yiri: iga weydiya eese ma ihi koo taabta, markaasu nagu yiri, waxaa tabta kuwa tahaara qaateen, markaasu aqriyay aayadda. Waa xaddith lagu saxiix yeelay labada sheikh shardigooda. Qaadida Musxafka kariimka iyo alwaaxda quraanka ka bartaan ciyaalka kala soocid gaareen, waa loo baneeyi, weeso laguma kallifo mashaqo darted, iyo tafaasiirta Quraanka ka badan wey bannaantahay in la qaado, iyo markii loo dhibaatoodo Quraanka badbaadinteeda, iyo markii mataac lagu qaadaayo. Muslimiinta waxay ku ittifaaqeen in ruuxa weeso laheyn uu aqrin karo Quraanka, waxaa saxiixooway in Suubanaha (scws) uu aqrin jiray macal xadath, eese waxaa fadli badan in la isu tahiriyo. Wa billaahit tawfiiq. ![]() |
Featured VideoMedia CoverageAdvertisement |











