User loginShout BoxAnas Jama:
cidna ma joogto Amran:
wcw huska:
asc huska:
yaa ku jira muno:
do you have this in English??? |
Jacaylka labada isqaba " waa qiso runa "Sida uu ninkasta oo dhalinyaro?ahi ugu fikiro inuu dhisto qoys iyo reer uu ku dago, ayuu ugu fikiri jiray ninka ay qisadani kusocoto, sida ay caadada wadamo badani ay tahayba wuxuu latashaday reerkoodii oo uu ka dalbaday inay usoo raadiyaan gabadh wanaagsan oo ay isku haboon yihiin, kadib markii ay usoo heleen gabadhii waxay u aqal galeen wiilkii iyo gabdhii sida caadiga?ah ee la isu aroosto iyagooyna jacayl hore iyo wax yaabaha ay maanta dhalinyaro badani isku mashquuliyaan ayna soo dhexmarin. Waxaa kusoo booday gabdhii cudur daran oo ku kalifay inay u tagaan dhakhtarada si ay ubaadhaan xaaladeeda, mudo markay ku war wareegayeen dhakhaatiirta ee dhakhtarba midkale ugu sii wareejinayey waxay ogaadeen in gabdhu ay qabto cudur aad u daran oo dadka qaadaa ay aad uyar yihiin. Arinta ninkeeda aadka ugu sii dhalisay cabsidu waxay ahayd markii ay dhakhtaradu u sheegeen in xaaladeedu ay aad usii xumaan doonto sanadba sanadka kasii danbeeya waxayna u sheegeen in ay ufiicantahay inay dhakhtarka ku jirto inta Alle faraj uga keenayo. Muuna ka ogolaan ninkeedii inay taalo dhakhtarka mudadaas dheer xaaskiisii uu aadka u jeclaa, wuxuu ugu balan qaaday dhakhaatiirtii inuu isagu gurigiisa uga samaynayo qol uu u dhigo qalabkasta iyo wax kasta oo ay ka helaysay dhakhtarka nooc ay tahayba, si ay xaaskiisu u dareento mar walba inay la joogto jacayalkeedii dhabta?ahaa isna mar walba u ag joogo iyada oo uu uxanaaneeyo sida uu rabo. Lacagtii uu ku bixiyey qolkaas iyo qalabkiisu waxay gaadhay 260.000 riyaalka sucuudiga oo isoogu jirta qalab dawo iyo wixii ay ka heli lahay dhakhtarka oo dhan, lacagta badankeeduna waxa uu u badnaa dayn uu soo qaatay iyo lacago uu bangiga kasoo amaahday wuxuuna u qoray xaaskiisa gabadh kalkaaliso?ah oo lasii joogta inta uu isagu shaqada ku maqan yahay, markuu ka adkaysan waayey inuu xaaskiisa bugta ka maqnaado saacadaha uu shaqada ku maqan yahay, wuxuu ka dalbaday maamulaha shaqadiisa inuu siiyo fasax dheer oo aan xadidnayn xaaskiisa dartii, wuuse ka diiday maamulihiisii sababtoo?ah wuxuu ogaa lacagaha badan ee uu usoo amaahday daawaynta xaaskiisa dartii oo uu ubaahan yahay lacag iyo dakhli inuu yeesho. Ninkii wuxuu u adkaysto ka maqnaanshaha uu xaaskiisa ka maqan yahay wakhtiga shaqadiisa, ayaa wuxuu bilaabay inuu shaqadiisii maalinba maalinta ka danbaysa uu saacad kasii jaro isagoo isla markaaba guriga usooo ordaya si uu u ag joogo oo ay indhihiisu u hayaan xaalada ay xaaskiisu marayso maalinba maalinta ka danbaysa isagoo qalbigiisu uu aad ugu ooyayo inuu xaaskiisa uu ilaa xadkaa jecelayahay ee uuna ka adkaysan karay inuu saacado ka maqnaado uu waayi doono. Markuu guriga soo galo wuxuu markiiba ku dhaqaaqi jiray suu xaaskiisa cuntada afka ugu gurilahaa markuu cuntada siiyo kadibna wuxuu isku dayi jiray sidii uu u ilowsiinlahaa xanuunka ayku jirto isagoo laabta ku haya xaaskiisa ayuu uga sheekayn jiray maalmihii wanaagsanaa ee soo dhexmaray iyo jacaylkooda aan dhamaanayn iyo suu ku biliwday, markastay maalini sii durugtaba waxaa aad usii xumaanayey xaaladeeda caafimaad oo aad ayey usii xanuunsanaysay iyadoo Qadarka Alle ku kalsoon iyo suu Alle u gartay ku sabraysa. Maalin maalmaha ka mida ayey xaaskii u dhiibtay gabadhii kalkaalisada ahayd Sanduuqyar oo ay lahayd waxayna ka dalabtay inay hayso oo ayna cidna u dhiibin aan ka ahayn ninkeeda hadii ay dhimato! ......... Lasoco qaybta danbe iyo waxa ku jiray sanduuqaas iyo say xaalada gabadhu noqonba ![]() |
Featured VideoMedia CoverageAdvertisement |











